Xukumada Somaliland Oo Qaadacday Inay Ka Qeyb Gasho Shir Caalami Ah Oo Ka Furmaya Dalka Belgiumka
June 23, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Somaliland ayaa qaadacday inay ka qayb gasho shir la filayay inuu bishan 26 June-28 ka furmo magaalada Brussless ee wadanka Beljamka, kaas oo ku saabsan Soomaalida oo loogu qoondaynayay dhaqaale ay deeq bixiyayaashu ku yabooheen

Warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegay in Somaliland lagu soo martiqaaday shirkaas, laakiin ay dawladda Somaliland go’aansatay inaanay ka qayb gelin shirkaas. Shirka ayaa la sheegay inuu dib u dhac ku yimid, waxaana la qorsheeyay inuu qabsoomo 16 Julay-17.