Daawo Muuqalka”Taliyaha Ciidanka Somaliland Oo Fariin Waayeel Nimo U Diray Madaxweyne Gaas
June 25, 2018 - Written by Berbera Today
Tuka Raq(Berberatoday.com)-Taliyaha Ciidanka Millatariga Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa yidhi; “Madaxweynaha Puntland waxaan leenahay dadka reer Puntland sharaf ayay naga mudan yihiin annaku waxaan jecelnahay in dhan walba laga ceesho, dawlado aan kala ahaano laakiin magaca guud soomaali baynu nahay ma jeclin in nin soomaali ahi si dhib yar oo bilaa macne ah u dhinto, taliyeyaasha ciidamada ee halkaas joogana sidaan anagu u fikirayno ee aan u danaynayno waa inay u daneeyaan dadka raggii ragga ahaa ee waagii hore joogi jiray xidhiidh baan wada lahaan jirnay oo wixii dhibaato ah waan wada xallin jirnay ..