berberatoday.com
“Waxan La Yaabanahay Dawlada Somaliya Ee Dekedihii Dalka Ugu Deeqday Itoobiya Ee Hadana Diidaysa Walaalaha Somaliland In Sigaara Deeqaha Loo Siiyo Taasi Waa Caqli Xumo Iyo Sii Kala Fogaansho Uun”Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi
June 25, 2018 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo katirsan golaha shacabka Dawlada Federaalka Somaliya aya Dawlada Madaxweyne Farmaajo ku dhaliilay inay ishortaagto Deeqaha sida Gaarka ah dalalka shisheye iyo haayadaha calamiga ahi Somaliland siiyaan islamarkaana sida gaarka ah ula macaamilaan.

Xidlhibaanka oo bartiisa facebooka qoraal soo dhigaya ayaa waxa uu qoraalkiisu udhignaa sidan hos ku qoran”

Somaliland waa tan Dawladii dhexe iyo dawlad goboleedyadii ay halka mawqif ka wada istaageen in qorshe gaar ah beesha caalamku u samayso sidii Somaliland qeybteeda uga heli lahayd deeqaha beesha caalamku bixiso.

Dawlad goboleedyada lama yaabani, oo laftoodu waa wax doon, laakin dawladda dhexe oo maalmo ka hor dekedahii Soomaaliya ugu deeqaysay dal kale, sababta ku qabsaysa in deeqo Dalal kale ka imaanaya in loo diido walaalaha Somaliland. Mise walaalnimadii Soomaaliyeed tan Itoobiya ayaa noo bedeshay!

Arrintani waxay sii fogaynaysaa Somaliland, mana mudna in deeqo Dalal kale ay bixinayaan laga hor istaago dadkaas Soomaaliyeed, waxayna muujinaysaa mas’uuliyad darrada madaxda Villa Somalia iyo qeyb ka qaadashada sii kala fogaanshaha umadda.

Itoobiya walalaayso oo Somaliland colaadi waa caqli foorara oo ka fog garashada saliimka ah, waa in go’aankaas wax laga bedelaa, oo caqli kaas ka duwan lala yimaadaa.

 

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews