berberatoday.com
Maxaad Ka Ogtahay Taariikha Nololeed Ta Waxbarasho Iyo Siyaasadeed Ee Madaxweynaha Mar Kale Dib Loo Doortay Ee Jamhuuriyada Islaamka Ah Ee Turkiga Recep Tayyip Erdogan
June 26, 2018 - Written by Berbera Today
Madaxweynaha dalka Turkiga Rajeb Tayib Erdogan ayaa mar kale ku guuleystay xilka Madaxweynaha dalkaas doorashooyin ka dhacay wadankiisa isagoo helay codadkii la dhiibtay 53% iyadoo sidoo kale xisbiga uu hogaamiyo ee AKP uu helay 43% waxaana guulahan si weyn looga soo dhaweeyay dalkaas iyo meelo badan oo caalamka ah.
Dadka soomaaliyeed badankiis waa ay ku farxeen guusha uu gaarey Madaxweyne Erdogan si diiran ayeyna usoo dhaweeyeen.
Haddaba hadii aan dib u jaleecno taariikhda hogaamiyahan Mr Erdogan Waxa uu ku dhashey Bishii February 26-kedii Sannadkii 1954-kii xaafad la yiraahdo Kasımpaşa oo dadka masaakiinta ama saboolka ay daganaayeen kuna taalay dhinac yurubta ka tirsan ee magalada Istanbuul, aabihii waxa uu ahaa ‘baxaar’ shaqaale doon ka shaqeysta magaladda RIZE ee bada madow, waxa uu baray wiilkiisa dulqaadka iyo u adkaysiga dheelitir la’aanta nolosha.
ERDOGAN waxa uu waxbarashada hoose ku soo qaatey iskuul dawladeed oo ku yaalayey xaafadii uu deganaa, waxa uuna halkaas ku soo bartey kor u hadal ama hadal dhiifoonaanta maanta ka muuqata inta badan qudbooyinkiisa, kadibna waxa uu galay machad ka khadiib-yadda iyo imaam-yadda, waxa uuna ku dhameeyey dugsigiisi sare si reyn reyn leh, waxa uuna halkas ka bartey FIQIGA, CAQIIDADDA,TAJWIIDKA , wuxuuna si aad uga sii bartey hadal faseex nimo, dhiifoonan ‘feejignaan’.
Sheekh Rajab.
Intii uu ku jirey wax barashadiisa hoose ayaa macalin- kiisu siiyay magacan ‘sheekh Rajab’. Iyaddoo la dhiganayo casharka Tarbiyada Islaamka ayaa macalinkii ardeydda weydiiyey qofkee baa awooda in uu Salaad ku dhex tukado fasalka dhexdiisa si ardeyda kale uga bartaan, gacanta ayuu taagtey Rajab si uu u noqdo Tusaale wanaagsan oo asxaabtiisa ka bartaan salaadda, Macalinkii waa u mahad celiyey waxaana dhulka loo dhigay wargeys si uu ugu tukado balse Rajab waa diiday in uu ku tukado wargeyskaas oo Dumar ‘Qaawan’ ku sawirnaayeen, dabeedna Macalinkii waa la yaabey go’aanka wiilka yar wuuna ku amaaney caqligisa iyo dhowrsanaantiisa, wuxuunna ugu yeeray Sheekh Rajab, ka hor intii uusan galin Dugasiga sare ee imaamyada iyo khadiibyadda.
Ka ganacsi-gisii cuntada nuucyada Kac- Kaca iyo ‘Bur-saliidka’
RAJAB intii uu dhiganayey dugsiga sare waxa uu aabihiis la kaalmeyn jirey baahida reerka isagoo iibin jirey SAMIID ‘nooc ka mid ah burka la dubbo oo Turkiga aad looga cuno’wuxuu soo iibsan jirey burka oo qalalan, qiimo raqiis ah intuu hagaajiyo ayuuna sii iibin-jirey si uu wax uga helo.
Ku nasiib yeelashadas ganacsiga iyo asalkiisa oo uu ka soo jeeday badda madow ‘dad ku caana ganacsiga Turkiga’ Rajab iyo koox asxabtiisii dhalinyarada xaafadda qaarkood waxay galeen kuliyada dhaqaalaha ee Jaamacada MAR-MARA si uu u xaqiijiyo hamigiisii ganaci, isagoon weliba hilmaamin xirfadiisii uu jeclaa ee kubbada cagta, taas oo uu ciyaarayey ilaa caruurnimadiisii, isagoo u soo ciyaaray sadex kooxood oo ka dhisan magalada Istanbuul mudo toban sano ku dhaw. Markii uu Jaamacada dhameeyey waxa uu galay tababar asakareed ‘gurmadkii shaqada qaranka ‘isagoo noqdey horjooge kayd ah.
Intuusan galin Siyaayasada horaantii 70,naadkii qarnigii tagey Rajab waxa uu ka soo shaqeeyey shirkado kala duwan isagoo noqdey la taliye dhinaca Maaliyadda iyo Maamule.
Taariikhda guurkiisa.
Wuxuu yiri qoraaga reer Turki FAHMI JALMUQ kitaabka uu ka qorey nolosha Rajab; Qisadda guurka Rajab iyo Emine Gülbaran waxay bilaabatey Sannadkii 1977-kii iyadoo ka bilaabatey Riyo ay Emine ku riyootey nin ka hor qudbayna dad in uu noqon doono lamaanaheeda wayna la yaabtey amuurtaas waayo ninka maba aqoon. Emine waxay aheyd halgame islaamiya ah oo ka tirsan xisbigii al Salaama, asalkeed-una Carab ka soo jeedo kuna nooleyd magaalada SACARD, maalin kadib riyadii Emine ayey waxay aaday shir xisbigu lahaa iyadoo ay is raceen gabadha qoraaga islaamiga ah ee SHUCLA YUKALANSHAR waxayna aragtey ninkii ay ku riyootey laftiisii, waana la is bartey, ninkaasina wuxuu noqdey Rajab oo asal ahaan ka yimid magaaladda Qow-qaasiya ee waqooyiga bari ka xigta magalada RIZE ee u dhow Georgia. Wayna is guursadeen, waxayna bilabeen nolal kifaax leh oo ku dhisan jacayl isku turid ilaa ay ka gareen meesha Turkiga laga xukumo, iyadoo walibba in badan oo Reer Turki –ga Diin la dagalanka taageersan iyo Askartuba ka xanaaqsan yihiin ama ka careysan yahiin Xijaabka ay wadato Emine Gülbaran.
Bilowgii xisbiga Al -SALAAMA tan iyo xibsigii Al- RUFAAH
RAJAB jeclaantiisa siyaasada waxay bilaabtey sannadkii 1969-kii balse waxa u wax badan oo siyaasada ah ka soo bartey xisbigii Al-Salama ee uu aas aaay Prof. Najmudin Arbakan,waxa uuna shaqo xisbi ee ugu horeysay qabtey 1975 isagoo noqday hogaamiyaha ururka dhalinyarada ee xisbigii Al-Salama wadani ee la aas saasey 1972, kadib markii la xirey xisbigii Al -Nidaam-Wadani, markaas oo ay hogaankii ururku u guurey Switzerland. Intaan la xirrin xisbigaa Rajab waxaa loo doortey in uu ka mid noqdo gudiga maamulka ee hoganka dhalinyarada ee xisbiga Al-salama wuxuuna hayey ilaa 1980-kii.
Kadib Xiritaankii xibiga Al-salaama iyo Aas- aasidii xisbiga Al -Rufaah, Rajab waxa uu noqday madaxa xisbiga ee Magaladdii uu ku dhashey Bayoğlu ‘taas oo ah qaybaha uggu waaweyn ee Istanbuu-sha ka tirsan Yurub waxay-na aheyd 1984.Isla sannadkii 1985 waxa uu noqodey Rajab madaxa xisbiga Al-Rufaah ee gobalka Istanbuul sanad kadibna waxa uu ka mid noqdey golaha dhexe ee xisbiga.
Doorashooyinkii sannadkii 1994 waxa uu ku guuleysatey Rajab isagoo ku tar tamaya magaca xisbigii Al-Rufaah Duqa Magalada ee Istanbuul
Ka dabqaada- shadii sii Prof. Arbakan.
Ilaaa iyo waqtigii uu Rajab ahaa gudoomiyaha xisbiga Al-salama ee qeybta magaalada Istanbuul waxa uu xiriir adag iyo ku xirnaansho joogta lahaa hogaamiyihii xisbiga Al-Salaama, intaan la xirin Prof Najmudiin Arbakan ilaa uu ku samiyey “uguna magac darey wiil ka mid ah wiilashiisa“.
Arbakaan waxa uu ahaa hogamiye aad u jecel Rajab waxa uuna soo dhaweyn jirey tusaaleyntiisa iyo isbadal kasta oo uu u soo jeediyo ,, waana la soo dhaweyn jirey qof kasta oo magaca Rajab ku soo gala xisbiga.
Rajab waxa uu ahaa qof ay ku dheer- tahey wey-naynta iyo qadarinta hogaamiyihii xisbiga al rufaah ilaa iyo markii uu ka soo baxay xabsiga 22-jully 1999 markas oo uu Rajab ku dhawaaqey xibiga Sinaanta iyo Horumarinta (SH or AK)“cadaalada wa tanmiya”
Is jiid jiidkii siyaasadda Turki-ga.
Guud ahaan ruux kasta oo isbadal doon geesi ahi waxa uu galaa xabsiga cida ay markas is hayaan, waxa uun ka soo bartaa casharo ay adag tahey in uu ka helo haree-rihiisa, waxaaa qofka u furma albaabo badan oo uu ku fekero iyo waqti badan oo uu dib uggu eego meesha ay fursadi ka jirto. Rajab iyo in badan oo ku fakir ahi waxay ka xanaajiyen kuwa diin la dirirka ah ee turkiga ku nool, waxayna aad ula yaabeen markii uu noqday duqa magaalada isbadalkii muuqday ee Rajab ka sameeyey dhan walba oo ka mid ah nolosha reer Istanbul,siiba horumarka magalada Istanbuul oo ah magaaladda ganacasiga Turgiga uguna dadka badan iyo dagaalkii uu la galey kooxaha wax is daba mariya” musuq-maasuqa” iyo tuugada, isagoo weliba wax weyn ka badalay nolosha dadka uu daqligoodu liito.
Iyadoo tasi jirto hadana Rajab waa la xirey waxa uuna mutey xabsi, xeerkii loo cuskadayna waxa uu ahaa in uu dadka kala qeyb- qeybinayo isagoo adeegsanaya asal “dadka meesha ay ka soo jeedaan “ iyo diin.
Dacawadda lagu soo oogay Rajab waxaa loo cuskaday gabay uu ka tiriyey goob ay isugu soo baxeen taageerayashii xisbiga Al-Rufaah ee magalada SACARD ee Bariga Turkiga. Sidda uu yiri gabyaaga reer turkiya ee DIYAA KOW-KALIB hadalka lagu xirey Rajab waxa uu ahaa sidan:
MINAARADUHU WAA WAR-MAHEENA,
QUBBOO-YINKUNA WAA “GASHAAMANKEEN-KEENA”KOOFIYADAHENA
MASAAJIDUNA WAA XERYAHEENA,
MU’MINIINTUNA WAA ASAKRATENNA.
Iyadoo waliba gabay gani ku yaalo buugagta iskuuladda Turkiga oo dhan lagana dhigo weliba dugsiyada ay dowladdu maamusho, balse haddii uu ka soo baxo qof siyaasi ah oo weliba ku kacsan kooxda diin la dirirka ee wadanka awoodda badan ku leh, waxa uu noqonayaa ERAY SIYASADDEED dadka uggu yeera kala tag iyo is kooxaysi, waa sidda uu u qornaa hadalka maxkamada lagu sarey Rajab.
Maxkamadu waxay gabaygaas u daliisahtey in uu dhibayo dadka dareenkooda Turkigana ugu yeerayo is kooxaysi iyo kala qeybsanaan, balse marna ma dhicin in shacabka reer Turkiya u kala qeybsan koox –koox iyadoo dadku wada ogyihiin waxa ka dhacaya masraxa siyaasadda ayey maxkamadu ku xukuntey Rajab 4 bilood oo xarig ah sannadkii 1998 taas oo in badan oo reer Turkiga ah dareensiisay qiimaha Rajab ee wax hagaajinta islaamiga ah ee uu hogamineyey Arbakan, kana dhigtey Rajab Geesi wadani ah.
Dib isku habayn.
Aadanuhu ma oga wax fiican iyo wax xun toona, waxaana la yiraahdaa “dhib gadaashii la faa’iiday badanaa !” xariga Rajab waxa uu fursad u siisay in uu helo waqti uu dib uga fekero uuna masraxa siyaasada mar kale dib uggu soo laabto, waxaana uu xarigii ka soo helay in uu wax kabadalo siyaasadihii hore ee xibiga isagoo wax ka badalay,, hadalkiisii kululaa iyo weliba fikirkiisa dambe, waxa uuna ka baxay xisbigii hore isagoo ku dhawaaqey xisbi cusub, balse diin la dirirku waxay u arkayeen in shaar badalasho, uu sharka badashay, Rajab-nna, yahey usuuli mintid ah “ fakir islaama ah xambarasan” kaas oo raba in uu baa’biyo badalana mabaadii’ada diin la dirirka ee jamahuuriyada Turkiga, taas oo ay ilaa hadda aaminsan yihiin in kasta oo uu isku dayey Rajab in uu nimankaas wax u sheego.
Bishii May 8-dedii 1998 waxaa la kala direy xibigii Al- fadiilah ee galey booskii xibigii Al-rufaah, waxaa kala qeybsamay raggii baarlamanka ku jirey ee xibiga, waxayna u kala jabeen laba qeybood qeyb ku darantey xisbigii Al- sacaaada “Farxadda” oo aan fursad dambe u helin ay soo galan dowlada ilaa doorashaddii 2002 iyagoo helay 10% iyo qayb kale oo u badan dhalin yaro isabdal doon sidda Rajab dayib iyo Abdala Gull, waxayna aas- aaseen August 2001 xisbiga SINAANTA IYO HORUMARKA isaga oo u hogaminayo Rajab Dayib, bil ka yar markii la aas – aasay xisbiga FARXADDA.
Guulo ku dhisan shacabka reer turkiga.
Kadib sameyntii xisbiga ee 2001, waxa uu ka qeyb galey doorasahdaii baarlamanka ee 2002 waxa uuna helay 363 kursi, isagoo noqdey xibiga ugu tiradda badan baarlamanka, waxaana uu awood u helay in uu soo dhiso dowladd. Balse dowladaas Rajab madax kama noqon amuuro la xiira xarigii uu galey 1998, waxaan madax ka noqdey dowladas Cabdala Gull ilaa 16-kii November 2002.
Guusha xisbiga sinaanta iyo horumaka uu ku guuleysatey hogaanka Turkiga waxay aheyd amuur wax badan ka badashey hab dhaqankii iyo nolashii guud ee reer Turkiga taas oo xisbiga Rajab ka dhigtey xisbigii kaligiis dhisay dowlad ka dib 1987 halka uu xisbiga matala kooxaha diin la dirirku ay Helen kaalinta labaad. 179 kursi.
Soo laabashada Rajab waxay aheyd rajo in badan oo reer Turkiga ah, waayo wadanka waxaa hareeyey daganan la’aan, sicir barar iyo is qab qabsi siyaasadeed wixii ka dambeeyey markii la baa biyey dastuurkii wadanka, madax weynihii xiligasna uu noqdey nin waayey kalsoonidii shacabka.
Soo labashadii ku kalsoonanta bulshada iyo dastuurka
Guushii xisbiga Sinaanta iyo iyo cadaaladu waxa uu ahaa bilowgii iyo soo laabashadii kalsoonida shacabka reer Turkiya, taas oo dadka dhaxal siisayey in ay aaminaan dastuurka iyo dowladda uu soo dhisay xisbiga Sinaanta iyo Cadaaladu, waxaanna bilaamay in qof walbaa nolosha dhankiisa ka dhiso, taas oo soo nooleysay in reer Turkiya ku hamiyaan ku biiradda Yurub, taas oo hore loogu diidana kadib markii dhawr jeer ciidanku soo dhex galay xukunka.
Is badaladda layaabka leh ee xisbiga Erdogan uu ka tirsan yahay uu keenay turkiga ayaa hadana xisbigaas ka dhigtay in uu xukunka sii haysto mudo 5 sano oo kale.
Abdullahi Nur Colombo
COMMENTS
|