“Siyaasiyiinta Muqdisho Waa Kuwii Lixdankii La yaabay Somaliland oo Soomaaliwayn u Jibaysnayd”..Cali Guray
June 28, 2018 - Written by Berbera Today
Hargaysa(Berberatoday.com)-Mujaahid Cali Maxamed Yuusf (Cali Guray) ayaa waxa uu ka hadlay midnimadii dhexmrtay Somaliland iyo Soomaaliya 1960kii isagoo sheegay in Siyaasiyiinta Xamar ay wakhtigaas la yaabanaayeen markii ay Somaliland la midoowday Soomaaliya.”Siyaasiyiinta Muqdisho ama Somalia waa kuwii lixdankii la yaabay Somaliiland oo Soomaaliwayne u jibaysnayd oo iyaga hortood qaranimadooda helay bilaa shuruud baanu idinku raacaynaa. Inay la yaabaan way ahayd waayo iyagu may doonayn dan iyo muraadna kamay lahayn midnimo soomaaliyeed. Laakiin reer Somaliland markiiba way ogaadeen inay gef taariikhi ah galeen markii wax kasta ay qaateen kuwii ay shuruud la’aanta kula midoobeen.