Xulkii Udanbeeyay Ee Qaarad Afrika Umatalaayay Koobka Aduunka Oo La Reebay
June 28, 2018 - Written by berberatoday berberatoday
Mosco(Berberatoday.com)Xulkii ugu danbeeyay ee Qaaradda Afrika ayaa ka haray koobka kubadda Cagta Adduunka ee ka socda dalka Ruushka.
Xulka Senegal ayaa waxaa 1-0 kaga badisay xulka Colombia, waxaana, dhinaca kale xulalka Japan iyo Poland ciyaar dhex martay 1-0 ku badiyey Poland, taasoo keentay in Japan iyo Senegal ay isku dhibco iyo isku goolal noqdaan,waxaana ciyaar wanaag ku soo baxday Japan.
Waxaa horey koobka aduunka looga reebay xulalkii Masar, Maroco, Nigeria iyo Tunisia oo dhamaantood metelayey Afrika, Iyadoo Senegal oo aheyd kooxdii kaliya ee laga rajada qabay iney u gudubto wareega labaad la quusiyey.