Shaqaalaha Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Aan Laba Bilood Mushahaar Qaadan Iyo Sababta Loo Aanaynayo
June 29, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Shaqaalaha Kala Duwan ee Ka Hawl Gala Dawladda Hoose ee Magaaladda Hargeysa ayaan badhkood Bishii labaad aanay wax mushahaar ah qaadanin, halka kuwo kalena la sheegay in iyaguna ku leeyihiiin afar bilood mushahaarkii ay xaqa u lahaayeen.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Ka Hawl Gala Dawladda Hoose oo ka gaabsaday in ay magacyadooda sheegaan ayaa u sheegay Ilaysnews.com in aanay garanayn sababta aanay weli u qaadanin mushahaarkoodii.