Shirweynaha Garsoorka Somaliland Oo Ka Furmay Magaalada Hargaysa Iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Nuxurka Shirka Loo Qabtay
June 29, 2018 - Written by Berbera Today
Hargaysa(Berberatoday.com)-Magaalada Hargaysa waxaa maanta si rasmi ah uga furmay Shirwaynahii sanad laha ahaa ee wadatashiga qorshaha iyo dib u habynta Garsoorka Somaliland.
Shirwaynahan garsoorka oo soconaya mudo laba cisho ah ayaa waxa ujeedka kulan kan faah-faahin ka bixiyay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Prof, Aadan Xaaji Cali Axmed.