berberatoday.com
Shirkii Beelaha Garxajis Uga Socday Buurta Gacan Libaax Oo Maalinta Beriya ee Axada Soo Gabagaboobi Doona Iyo Qodobada Kasoo Bixi Doona Oo Loo Dheg Taagayo
June 30, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Shir weynihii Beel weynta Ismaaciil Sheekh Isaxaaq ee Garxajis ee Tol-wanaaje Laba , ayaa maalintii sideedaa si habsami ah uga socda Buurta Gacan-libaax ee degmada Go’da weyn, iyadoo haatan uu shirka Tol-wanaaje Laba uu ku sii siqayo xaalad gebo-gebo.

Shirkan Dhaqan ee Beesha Garxajis iskugu timi oo ahaa mid aan Beeshu u kala hadhin qol-qol joog iyo qurba joog-ba , isla markaana aan noociisa hore loo arag, ayaa waxa majaraha u haya oo hagaya ergooyin laga soo xulay Beelaha Garxajis oo Tiradoodu dhantay 550 Erygey iyo weliba 1000qof kale, kuwaas oo ahaa wax-garad aqoonyahan iyo indhaar-garad kor-joogtanaya Shirka oo goob-jooga ka ah.

 

 

Geesta Kalena Shirkan Tol-wanaaje Laba ee Beesha Garxajis oo maalintii sideedaad oo xidhiidh ah si habsami ah uga soconayaBuurta Gacan-Libaax, ayaa la filayaa in maalinta Beri ah ”Axada” lasoo gunaanado, iyadoo laga soo saaridoonaa war-murtiyeed ay ku jiraan sida la sheegay qodoba aad u mihiim ah .

Dhanka Kalena Shir weynaha Beesha Garxajis ee Tol-wanaaje laba, ayaa waxa kusii qul-qulaya marti sharaf kala duwan oo ka kale socda Beelaha Reer Somaliland, kuwaas lagu martiqaaday xidhitaanka shirka , iyadoo dadka lagu casuumay ee beelaha kala ka socdaa ay iskugu jiraan Madax-dhaqameed ,aqoon-yahan iyo wax-garad, kuwaas oo la filaayo inay caawa ugu dambayn gaadhaan madasha shirka Garxajis ka socdo iyo Buurta Gacan-libaax.

Gunaanadkii Shir weynihii Tol-wanaaje Laba oo maalinkii sideedaad ka socday Buurta Gacan-libaax, ayaa hadda ku dhow Gebo-gebo, iyadoo si rasmi ah loosoo afmeeridoona shirkaasi maalinta Axada ee Beri ah, waxaynu dhawrna waa qodobada kasoo baxay shir weynaha Beesha Garxajis marka lasoo geba-gebeeyo nooca ay noqdaan.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews