Dawladda Itoobiya Oo Liiska Argagixisada Ka Saaraysa Jabhado ONLF Ka Mid Tahay
July 1, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Golaha Xukuumadda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Raysal-wasaare Abiye Ahmed ayaa u soo jeediyay baarlamanka dalkaasi in liiska argagixisada laga saaro ilaa saddex ururro mucaarad oo ka jira dalkaasi.
Kooxaha kala ah, Oromo Liberation Front (OLF), Ogaden National Liberation Front (ONLF) iyo Ginbot 7, ayaa mid walba oo ka mid ah waxa uu dalkaasi ka waday halgan hubeeysan oo lagaga soo horjeeday xukuumadda Addis Ababa.
“Golaha Xukuumadda ayaa u gudbiyay qaraarkan baarlamanka, si ay u ansixiyaan, taasoo meesha ka saaraysa in ururrada OLF, ONLF iyo Ginbot 7 loo aqoonsado argagixiso,” sidaa waxaa bartiisa Twitterka ku qoray Fitsum Arega oo ah agaasimaha xafiiska raysal-wasaaraha dalkaasi.