berberatoday.com
Khasaaraha Ka Dhashay Iska Hor Imaad Dablay Hubaysan Iyo Ciidanka Qaranka Somaliland Ku Dhex Maray Ceel Afweyn
July 1, 2018 - Written by Berbera Today

Ceel Afweyn(Berberatoday.com)-Degmadda Ceel Afweyn oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa waxa lagu soo waramayaa in ciidamada Qaranka Somaliland uu hal Askari kaga dhintay, laba kalena ka dhaawacmeen ka dib markii dablay hubaysan ay is weydaarsadeen Rasaas.

Dablaydan oo marka hore weerar ku qaaday Baabuur Jaad u siday Magaaladda ayaa iyagana waxa ka dhaawacmay laba qof.

 

 

Ma jiro Khasaare intaasi ka badan, hasayeeshee xaaladda ayaa mar qudha cirka isku shareertay, maadama Deegaanka Ceel Afweyn Marka horeba ay ka jirtay Sansaan Colaadeed, ka dib dagaal laba beelood oo halkaasi wada dega uu dhawaan dhex maray.

Dablaydan Hubaysan ee ay ciidanka Qaranka Rasaasta Isweydaarsadeen ayaa ka soo jeeda Beesha Bariga Magaaladda Burco, waxaana sida wariye madax banaan oo ku Sugan magaaladda Ceel Afweyn uu Ilaysnews.com u sheegay ay dablaydaasi rasaas ooda kaga qaadeen Baabuur marka horeba jaadka u keeni jiray Magaaladda, Hasayeeshee Ciidamada Qaranka Somaliland oo Magaaladda Loo Keenay in ay kala dhex galeen labada beelood ee dirirtu u dhaxayso ayaa iyaguna ugu jawaab rasaas.

Si kastaba ha ahaatee xiisada ayaa degan, mana jiro wax danbe oo khasaare ah oo halkaasi ka dhashay.

Labadii Xukuumadood ee ee ka dhashay Xisbiga Kulmiye intii ay jireen dhawr jeer ayay Deegankan dagaal uu ku dhex maray labada Beelood ee wada dega, hasayeeshee iminka waxa socoto qorshe xal loogu raadinayo labadaasi beelood ee walaalaha ah.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews