berberatoday.com
Shirkada Dekeda Berbera Maamusha Ee Dp World Oo Xafiis ka Furanaysa Dalka Itoobiya Iyadoon Dekedii Cusbayd Dhismaheeda Bilaabin Iyo Shaqada Uu Qaban Doono Xafiiskaasi Oo La Shaaciyay
July 1, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxa shirkadda DP World Sultan Bin Sulaymaan waxa uu sheegay in shirkaddu Waddanka Itoobiya ka samaysanayso xarun fududaysa dhoofka waxyaabaha dalka Itoobiya laga saarayo iyo waxyaabaha loo sii gudbinayo waddamada aan badda lahayn ee Afrika.

Shirkadda DP World waxa ay maamusha dekedaha Berbera iyo Boosaaso ee Somaliland iyo Somalia waxaanu suuqeeda ugu weyn yahay waddanka Itoobiya oo aan bad lahayn.

 

 

Madaxa DP World oo ka hadlayay kulan ganacsi waxa uu sheegay in xarunta ay Itoobiya ku yeelan doonan tahay mid fududaysa ganacsiga oo bahda baayacmushtarka ee Imaaraadku uga faa’iidaysan doonan in alaabooyinkooda halkaasi gaystaan una sii gudbiyaan dalalka Afrika ee aan badda lahayn iyo Itoobiya lafteeda taas oo sidoo kale fududaynaysa waxyaabaha laga dhoofinayo Itoobiya iyo dalalka aan badda lahayn ee kale.

“Waxaanu qorshaynay in aanu Itoobiya ka dhisano xarunta badeecadaha halkaas oo la gayn karo badeecadaha laga keenay Dekedda, kadibna alaabta halkaas laga sii qaado la gayn karo dalalka kale aan badda lahayn. Waxa aanu Itoobiya la saxeexanay heshiisyo kala duwan oo xoojinaya xidhiidhkayaga saaxiibtinimo,” Sidaas ayuu yidhi Bin Sulaymaan oo sheegay in baayacmushtarka Imaaraadku ka faa’iidaan joogitaanka DP World ee dalalka shisheeye.

 

 

 

Source: Gulfnews

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews