Xulka Faransiiska Oo 4-3 Ku Dhuftay Xiddigihii Dalka Argenitna Oo Messi Hogaaminayo Kana Reebay Koobka Aduunka
July 1, 2018 - Written by Berbera Today
Moscow(Berberatoday.com)-Faransiiska ayaa noqonya xulkii ugu horeeyay ee usoo gudbay wareega 8da, kaddib markii ay 4-3 dhufteen xiddigihii xulka Argentina, cayaar siweyn isha loogu wadda hayay.

Wiilka cayaarta sida weyn isha loogu wadda hayay oo caalamka soo jiitay ayaa noqday Kylian Mbappe oo ah 19 jirka weerarka uga ciyaara kooxda Paris Saint-Germain iyo xulka France, kaasoo dhaliyay laba ka mid ah goolasha ay ku badiyeen Faransiiska.