Police-Ka Maleysia Oo Xabsiga U Taxaabay Ra,iisul Wasaarihii Hore Ee Dalkaas Iyo Sababta Keentay
July 3, 2018 - Written by Berbera Today
Malaysia(Berberatoday.com)-Ra,isul wasaarihii hore ee dalka malaysia Najib Razak ayaa lagu xidhay magaalada Kuala Lumpur si loogu sameeyo baadhitaano la xadhiidh lunsiga hantiada qaran ee dalkaasi,sida ay sheegtay warbaahinta dowlada.

Howlgalkaan oo ay fuliyeen ciidamada police-ka ayaa waxaa uu dhacay abaara guriga uu Najib ka degan yahay xaafada Taman Duta abaara 2.35 pm ee waqtiga Maleysia.