|
berberatoday.com
‘Beyefendi’ Erodgaan: Dabin-Ka-Bood Xariif Ku Ah Xodxodasha Mucaaradkiisa, Oo 14 Doorasho Ku Adkaaday
July 4, 2018 - Written by Berbera Today

15 sano ayaa ku filnaaday isbeddel mucjiso ah
Xisbiga AK waxa uu talada dalka Turkiga qabtay sannadkii 2002 oo la kici kari waayey dhaqaale xumo curyaamisay iyo culaysa deymaha dunidu ku leedahay ee garbaha u saaran. Waxa aanu ku guulaysay in uu 15 sano gudahood ka dhigo mid ka mid ah dalalka ugu dhaqaalaha badan dunida, koritaankiisuna ugu xawaaraha dheereeyo.
Xisbiga Madaxweyne Erdogaan waxa uu talada dalka qabtay isaga oo cimrigiisu hal sano oo keliya jiray, laga soo bilaabo maalintii uu xilka la wareegayna waxa Turkiga ka dhacay isbeddel gun iyo baar ah oo beddelay gebi ahaanba wejigii dunidu ku taqaannay dalkan.
Dhaqaalaha
Turkiga oo kaalinta 117 kaga jiray liiska dhaqaalaha dalalka dunida ayaa sida ku cad warbixin ka warramaysa muuqaalka guud ee dhaqaalaha adduunka oo ay bishii afaraad ee 2018 ka soo saartay hay’adda lacagta adduunka. Waxa uu kor ugu kacay kaalinta 18, iyada oo weliba la saadaalinayo in uu mar kasta kor uga sii mari karo, marka la eego xawaaraha uu ku socdo iyo sida habsamida ah ee uu dhaqaaluhu isaga oo isu dhammaystiran u korayo.
Markaasi waa marka dalalka loo qiimaynao sida uu dakhligoodu u kala badan yahay iyada oo lagu salaynayo lacagta doolarka Maraykanka. Waxa aanu ka sarreeyaa dalal dunida hodan looga yaqaanno oo ay ka mid yihiin Sucuudiga, Switzerland, Sweden, Norway, Iraan, Denmark, Findland iyo kuwo kale.
Marka laga eego liiska kala horreynta awoodda wax iibsi ee dalalka dunidana waxa uu Turkigu ka galay kaalinta 13, taas oo macnaheedu yahay in uu ka sarreeyo dalalka dhaqaalaah leh ee Spain, Canada, Sucuudiga, Ustareeliya, Malaysiya, Natherland, Switzerland, Sweden iyo kuwo kale oo ay ku jiraan kuwii aynu hore u soo sheegay. Marka qaaradda Yurub ee qayb ahaan dhulka Turkigu ku jiro la eegana waa dalka Shanaad ee ugu horumarka iyo dhaqaalaha badan.
Hay’adda lacagta adduunka ee IMF waxa ay sheegtay in Turkigu uu yahay suuq si xawli ah u koraya. Dalka Turkigu waa dalalka dunida ugu badan ee soo saaraa waxsoosaarka beeraha, dharka, baabuurta, doonyaha iyo gaadiidka. Waxa kale oo uu soo saaraa qalabka dhismaha, qalabka korontada, alaabooyinka guryaha. Waxaa koritaan xaweli ah ku socda ganacsiga gaarka loo leeyahay, koritaankaas oo dalkan ka dhigaya in lagu tiriyo dalalka warshadaha ku horumaray, isla markaana ka mid ah dalalka beeraha ku horumaray. Waxa aanu qorshaha dawladda madaxweyne Erdogaan yahay in sannadka 2023 uu dalka Turkigu noqdo dalka Tobnaad ee dunida ugu dhaqaalaha sarreeya. Waxsoosaarka warshadaha ka sokowna meelaha uu isha ku hayo waxaa ka mid ah dalxiiseyaasha oo uu yahay dalka lixaad ee dunida dalxiisayaasha ugu badani tagaan.
Sannadkii 2017 tiradoodu dhamayd 15 milyan oo dalxiise, dakhliga dalka ka soo galayna gaadhay 9 Bilyan oo doolar, iyada oo uu qorshuhu yahay in sannadka 2023 la gaadhsiiyo 50 bilyan oo doolar.
Magaalada Istanbuul oo keliya waxaa 15 kaas sano dalxiis ku tegey dad tiradoodu gaadhayso 109 Milyan oo qof. taas oo ka dhigan in dadka dalxiiska ku yimi magaaladan oo keliyi ay 30 milyan ka badan yihiin tiradada dadka Turkiga oo dhan.
Marka aynu soo koobno dakhliga muwaadinka Turkiga ahi celcelis ahaan helo sannadkii, intii aanu xisbiga AK talada qaban waxa uu ahaa wax ku dhow 3300 oo doolar, waxa se uu sannadkii hore 2017 gaadhay qofkiiba 10’500 doolar. Taas oo macnaheedu yahay in uu in ka badan boqolkiiba 300 kordhay muddadii uu xisbiga Erdogaan talada hayey. Waxaana la saadaalinayaa in haddii sida uu hadda yahay uu ku sii socdo uu sannadka 2023 gaadhi doono 25 kun qofkii kasta.
Marka aynu soo koobno dakhliga muwaadinka Turkiga ahi inta uu celcelis ahaan koray waxa aynu si fudud uga dheehanaynaa korukaca yaabka leh ee ku yimi awooddii wax iibsi ee muwaadinka. Warbixinta hay’adda lacagta adduunka ee sannadkii 2017 waxa ay muujinaysaa in awoodda iibsiga qofku ay maraysay 25 kun iyo 780 doolar, sannadkii. Qiimaha waxsoosaarka gudaha ee dalka Turkiga (GDP) oo ahaa 230 Bilyan oo doolar ayaa 15 oo uu xisbiga Erdogaan talada hayey waxa uu gaadhay 820 Bilyan oo doolarka Maraykanka ah.
Isbeddelka dhaqaale ee dalka ka dhacay, waxa uu ka muuqdaa korukaca qiimaha lacagta Liirada. Xilligii uu xisbiga AK talada qabtay qiima dhacu waxa uu gaadhay in lacagta lagu daro eberro badan, tusaale ahaan 10 Lira waxaa laga dhigay toban milyan oo Lira (10’000’000), laakiin qiimihii waxa uu gaadhay in laga maarmo eberradii badnaa oo tobankii milyan ee Lira uu maanta u dhigmo 10 Lira oo keliya.
Sannadkii 2001 Halka doolar ee lacagta Maraykanka ah waxaa lagu sarrifayey, Lacag dhan Hal milyan, lix boqol iyo konton kun oo lacagta Liira ee dalka Turkiga ah. waxa aana la xasuustaa in diiwaanka dhacdooyinka yaabka leh ee adduunka oo afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo, ‘Guinnes Book of Records’ uu sannadkii 1995 iyo 1996, iyo mar kale oo ahayd laga soo bilaabo 1999 illaa 2004, lacagta dalka Turkiga u aqoonsaday in ay tahay lacagta adduunka ugu qiimaha hoosaysa.
Faqriga ka jira dalka Turkiga oo xisbiga AK hortii lagu qiyaasay boqolkiiba 44 bulshada Turkigu in ay faqiir tahay ayaa gaadhay boqolkiiba 21.9.
Sannadkii 2013 dalka Turkigu waxa uu ku guulaystay in uu iska bixiyo dhammaan deymihii uu ku lahaa sanduuqa lacagta adduunka ee IMF. Waxa aanu Turkigu maalintaas laabay boggii u dambeeyey ee taariikhda 52 sano uu deyn la ciirciirayey.
Difaaca iyo hawada sare
Waxaa hubaal ah in awoodda milateri ee dalku leeyahay lagama maarmaan u tahay danihiisa dhaqaale iyo xitaa horumarka uu hiigsanayo in uu gaadho. Marka laga tago aragtidaas ah in cududdu ay qayb libaax ka tahay horumarka aad samaynayso, waxaa jirta himilo uu xisbiga AK ku hoggaaminayo dalka Turkiga, oo ah in la dhiso cududda dalkaas oo imikaba leh ah ciidanka labaad ee ugu weyn dalalka ku bahoobay Gaashaanbuurta NATO. Sababaha dabada ka riixayana waxa aynu ka xusi karnaa; in dhoofinta hubku ay ka mid tahay waxyaabaha dunida maantu dhaqaalaha ugu badan ka samayso, sidaa awgeed in Turkigu uu hubka iyo tiknoolajiyadda difaaca ka ganacsadaa waxa ay muhiim u tahay horumarka dhaqaale iyo horukaca uu dalku doonayo in uu ku gaadho hiigsigiisa ah in uu ka mid noqdo quwadaha dhaqaale ee dunida.
Imika Turkigu waxa uu la soo baxaa boqolkiiba 54 baahiyihiisa milateri. Si kastaba ha ahaato e’ waxa uu ka mid yahay dalalka dibadda u dhoofiya waxsoosaarkooda milateriga. Ma’aha dunida saddexaad iyo dalalka ka hooseeya oo keliya in ay hubka iyo waxsoosaarka milateriga ee Turkiga iibsadaan, balse waxa iibsada oo uu waxsoosaarka ciidamada ee Turkigu suuq fiican ku leeyahay dalal badan oo horumay. Waxaa ka mid ah Maraykanka, Jarmalka iyo Ingiriiska.
Waxa uu xisbiga AK ku guulaystay in uu hoos u dhigo ku tiirsanaantii hubka uu dalku dibadda ka soo iibsado. Tusaale ahaan Turkiga oo hubka uu soo dhoofsadaa boqolkiiba 98 ka ahaa hubka uu isticmaalo, waxa uu maanta hoos ugu soo dhacay boqolkiiba 12 keliya, waxa aanu higsiga madaxweyne Erodgaan yahay in sannadka 2023 ka uu dalka Turkigu gaadho isku filnaanshiyo dhammaystiran oo dhinaca mialteriga ah, taas oo macnuhu yahay in sannadkii uu dalka Turkigu dhoofinta hubka iyo tiknoolajiyadda difaaca ka faa’iidi doono lacag gaadhaysa 25 Bilyan oo doolarka Marakanka ah.
COMMENTS
|