Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Maanta Ku Qaabilay Guddiga Caalamiga Ah Ee ICRC+Sawiro
July 4, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley wefti ballaadhan oo ka socday Guddiga Caalamiga ah ee ICRC oo uu hoggaaminayey Madaxa Guddida Caalamiga ee Laanqeyrta Cas, Mr. Simon Brooks.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xubnaha weftiga warbixin ka siiyey xaaladda guud ee dalka, ka dibna waxa laga wada hadlay qodobbo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo ICRC, isla markaana ay xafiis uga furan lahayd Somaliland, waxa kale oo laga wada hadlay arrinta maxaabiistii Soomaaliya ee dagaalka Tuka- raq ay Somaliland ku qab-qabatay, oo ay Somaliland ku ammaaneen siday ula dhaqantay maxaabiistaasi dagaalka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa xabbad joojinta dagaalka Somaliland iyo Soomaaliya ku dhexmaray deegaanka Tuka-raq ee gudaha Somaliland.