Safiirka Maraykanka Ee Addis Ababa Oo Ka Hadley Heshiiska Dekedda Berbera Ee Dhex Maray Somaliland, Itoobiya Iyo Dp World
July 4, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-)-Safiirka dawladda Maraykanka u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya danjire Ambassador Mike Raynor, ayaa la weydiiyay su’aal ku saabsan aragtida Maraykanka ee heshiiska sannadkan dhex maray Somaliland, Itoobiya iyo shirkadda DP world ee ah saamiga 19% ee ay Itoobiya ku yeelanayso maalgelinta dekedda Berbera.
