Dagaal Goor Dhaweyd Dib Uga Qarxay Deeganka Ceel Afweyn Iyo Khasaaraha Ka Dhashay
July 5, 2018 - Written by Berbera Today
Ceel Afweyn(Berberatoday.com)-War Deg Deg ah oo hada deeganka Ceel Afweyn ka soo gaadhaya shabakada Ilaysnews.com waxaa uu sheegaya in saaka uu dagaal koobani ka dhex qarxay labadii beeleed ee dhawr jeer deegankaasi ku dagaalamay
Dagaalkan saaka ayaa waxaa uu ka qarxay deeganka Darar Weyne ee degamada Ceel Afweyn isla markaana waxaa Ilaysnews.com loo sheegay in halkaa lagu dilay Hal nin oo ka soo jeeda mid ka mid ah beelihii halkaas ku dagaalamaayey
xigasho Ilaysnews.com
Ciidamada Amaanka ayaa halkaasi ku ruqaansadey isla markaana kala dhex galay , isla markaana wax dagaal ah ayaan hada soconin