Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Jawaabey Baaq Uu Farmaajo U Soo Jeediyey Somaliland
July 5, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu maanta ka jawaabey hadalo madaxweynaha Somaliyaka soo yeedhay maalintii 1 july kuwaas oo ku saabsanaa in xaalada Tuko-raq nabad lagu soo dabaalo
Madaxweynaha Somaliland oo maanta la kulmay Gudidda caalamiga ah ICRC ayaa waxaa uu sheegay in Hadalka ka soo yeedhay Farmaajo ee xabbad joojintu uu yahay tallaabo hore loo qaaday, kana mid ahaa qodobadii Qaramada Midoobay iyo beesha Caalamkuba ay soo jeediyeen in la fuliyo, Somaliland-na dhinaceeda beesha caalamka ay hore uga aqbashay.