Baarlamaanka Midowga Yurub Oo Dawlada Somaliya Ku Eedeyey Inay Ku Tumatey Xuquuqda Aadanaha + Akhriso
July 6, 2018 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeynayaa in ay ku xadgudubtay Xuquuqda Aadanaha, islamarkaana mudaddii ay jirtay geysatay Xadgudubyo badan oo ka dhan ah Xuuquuqda Aadanaha.
Kulan yeesheen Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa lagu meelmariyay Qaraar ka hadlaya in dowladda Soomaaliya ay hareer martay Hanaanka Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha,islaamrakana ay jiraan Xadgudubyo loo geystay dad Shacab ah.
Baarlamaanka Midowga Yurub waxa ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ka gaadhtay heerkii ugu hooseeyay Xoriyatul Qowlka, Waxaana Baarlamaanku sheegay in ay jirto Caburin lagu haayo Wariyeyaasha Soomaaliyeed.