Dawlada Japan Oo Todobo Ruux Xukun Dil Ah Ku Fulisay Iyo Danbiga Ay Sameyeen
July 6, 2018 - Written by Berbera Today
Japan(Berberatoday.com)-Dawladda Japan ayaa dishay toddobo ruux oo xubno ka ahaa koox la baxday qiyaamaha Aum Shinrikyo, kuwaas oo sannadkii 1995tii gaystay weerar waxyeelo badan gaystay oo ay u adeegsadeen kiimiko neerfaha waxyeesha.
Dadkaas la dilay waxaa ka mid ahaa Shoko Asahara oo ahaa hogaamiyihii kooxda.
Weerarkii sunta loo adeegsaday ee dalka Japan ka dhacday ayaa ahaa midkii argagixiso ee ugu darnaa waxaa ku dhintay 13 ruux, waxaana ku dhaawacmay kun ruux oo kale