Samatar Oo Madaxweynaha U Soo Jeediyey Inuu La Kulmo Raysal-Wasaaraha Itoobiya Iyo Waxyaabaha Uu ku Sababeeyay
July 6, 2018 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Aqoonyahanada waaweyn ee reer Somaliland, ayaa la waydiiyey in Heshiiskii uu Raysal-wasaaraha cusub ee Itoobiya la galay Dawladda Soomaaliya uu saamayn ku yeelan karo Qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland.
Prof. Samatar oo bixiyey Waraysi dheer oo uu ka hadlay arrimo badan oo khuseeya Arrimaha Somaliland, ayaa sheegay in loo baahan yahay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Masuuliyiinta la shaqeeyaa ay Wada-hadallo la yeeshaan Raysal-wasaaraha cusub ee Dalka Itoobiya, isla-markaana la isla fahmo arrimaha taagan.