Wasaaradda Waxbarashada JSL Oo Soo Gunaannaday Imtixaannaadka Shahaadiga Ah
July 6, 2018 - Written by Berbera Today
Hargaysa(Berberatoday.com)-Waxa Maanta si rasmiya loo soo xidhay Imtixaanaadkii Shahaadiga ahaa ee Qaranka Somaliland, kaasi oo Muddo Todobaad ah ka socday Guud ahaan Deegaannada Somaliland.

Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Somaliland iyo Kuwa Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka ayaa shaaciyay in Guud Sanaaduuqdii Imtixaanaadku ay si Nabad ah ku soo gaadheen Xarunta Guud ee Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland ee Magaalada Hargeysa.