Fariin Caafimaad”Muuska Madowga Badan Lihi Waxa Uu Dawo Ka Noqon Karaa Cudurro Uu Kansarku Ka Mid Yahay
July 7, 2018 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Muusku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka ay dhakhaatiirtu ku taliyaan cunisteeda, maadaama oo sida ay sheegeen uu leeyahay faa’iidooyin caafimaad oo dhammaan qaybaha jidhka aadamaha khuseeya. Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in muuska ay ku jiraan curiyeyaal cunto oo hodan ah, faytamiinno iyo bootaasiyaamka oo aad ugu badan.