Magaalo Soomaali Degto Oo Aan Bil Dhan Laga Cunin Waslad Hilib Ah Iyo Sababta Dadku U Hilib Waayeen!!
July 7, 2018 - Written by Berbera Today
Wajeer(Berberatoday.com)-Magaalo ka tirsan Deegaanka Woqooyi Bari ee Dalka Kenya ee ay Soomaalidu Degto waxa gabi ahaanba muddo bil iyo dheeraad ah ka dhacday xaalad dhinaca cuntada ah oo dadka deegaanku aad u hadal hayaan warbaahinta Kenya-na lagu baahiyay taasoo ah in dadka deegaankaasi aanay muddoda intaasi le’eg dhadhamin ama cunin wax hilib ah iyada oo Soomaalidu ka mid tahay shucuubta adduunka ugu hilib cunista badan gaar ahaan hilibka xoolaha.