“Xukuumadu, Labada Beelood Ciddii Heshiiska Ka Hor Timaada Ee Jabis Ha Xidh-Xidho Oo Khaladka Halagu Qaado”Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir
July 7, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa ka hadlay dagaalka soo noq-noqday ee dhexmaray labada Beelood ee walaalaha ah ee wada dega Degaanka Ceel-afweyn, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay in talaabo adag ka qaado cid kasta oo heshiiska jabisa.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay saami qaybsiga, waxaanu xusay in saami qaybsiga aan si siman oo cadaalad ah aan loo qaybin, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya dagaalka dhexmaray labada Beelood ee Ceel-afweyn “Labada Beelood iyaga ayaa marka hore nabadooda ka tashan kara, laakiin Raggan ku dhex jira ee kolba isku dhaarinaya, Ingiriiskii baa dhaamay, oo marka laba Beelood is laayaan intuu isku keeno odhan jiray heshiiya, kuwa heshiiska jabiya, ayaa la xidh-xidhi jiray, oo Jasiiradaha ayaa la geyn jiray, waxaa loo baahan yahay dad daacad ka noqda si ay heshiiska u dhamaystiraan, heshiiskaasina wuxuu u baahan yahay shuruudo adag, in la dhex dhigo labada reer, waayo dagaalkoodu faa’iido inooma soo kordhinayo, waana kugu dhimay, oo ka dhimay”.