berberatoday.com
Akhirso”Hantida Madaxweyn Recep Tayyip Erdogan Oo Si Rasmi Loo Shaaciyey
July 8, 2018 - Written by Berbera Today

Ankara(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Turkiga ee dhowaan loo doortay Recep Tayyip Erdogan mar kale xilka ayaa la shaaciyay hantida uu heysto, sida uu qoray Wargeyska rasmiga ah ee dowladda Turkiga.

Image result for Erdogan

Hantida uu shaqsi ahaanta u leeyahay Madaxweyne Erdogan ayaa lagu sheegay inay gaadheyso 6,347,000 (Lix Milyan, Saddex boqol, afartan iyo toddoba kun) oo ah Liiraha dalka Turkiga oo u dhiganta lacag dhan $300,000 oo doolar, waxayna lacagtani kala taallaa ilaa saddex Banki oo Turkiga ku yaalla.

 

 

Lacagtan ayaa ah mid aad u yar marka loo eego maqaamka madaxweyne Erdogan, lalana barbardhigo madaxda kale ee dunida.

Waxaa kaloo la sheegay in madaxweyne Erdogan uu Dhul beereed ku leeyahay Gobolka Riza ee dalka Turkiga, kasoo qiimihiisu dhan yahay ku dhowaad 2600 oo doolar, iyo Guri uu ku leeyahay magaalada Istanbuul oo qiimihiisu dhan yahay ku dhowaad 200-kun oo Doolar.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan waxaa hantidiisa ka mida Gaari nooca AUDI A8 oo qiimihiisu yahay 50,000 doolar, waxaana xusid mudan in wargeyska dowladda Turkiga uu sheegay in Madaxweynaha Turkiga lagu leeyahay lacag deyn ah oo dhan 420-kun oo Doolar, waxaana lacagtaasi ku leh ganacsadaha Mohame d Gour.

Saxaafadda Reer Galbeedka ayaa hore u baahisay in madaxweyne Erdogan uu yahay hantiile lacagtiisu gaadheyso 58 Milyan oo Doolar, waxaana la tilmaamay Qasriga ugu weyn White Palace ee uu dhisay Erdogan.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews