Akhriso”Dal Cusub Oo La Filaayo Inuu Ka Mid Noqdo Urur Gobaleedka IGAD + Waa Kuma Dalka
July 9, 2018 - Written by Berbera Today
Nairobi(Berberatoday.com)-Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Macalin ayaa sheegay inay rajeynayaan in Eritrea ay dib uga mid noqoto Urur Goboleedka IGAD, kaddib markii ay sanadkii 2007-dii ka baxday xubinimada Ururka.
Warqad uu Maxbuub Macalin u qoray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku sheegay inuu ku ammaanayo sida geesinimada leh uu u fuliyay heshiiskii Algiers iyo inuu caadi ku soo laabtay xidhiidhkii labada dal Eritrea iyo Itoobiya.