Xissbiyihii Sare Ee Shirkada DP World Dekeda Berbera Ujoogay Iimaan Yuusuf Iimaan Oo Iscasilay Iyo Sababta Keentay
July 9, 2018 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Xisaabiyihii guud ee Shirkada DP World Berbera Iimaan Yuusuf Iimaan ayaa Xilkii uu ka hayay shirkadda Iska casilay kadib markii sida la sheegay culays dhinaca Maamulka ahi kaga yimi Maamulka Sare ee Shirkada DP World ee Dekeda Berbera Maamusha Culayskaas oo la xidhiidha qaabka shaqada uu masuulkani uwaday oo shirkadu saluugtay dhawr jeer hoorena digniino la xidhiidha qaabkiisa shaqo udirtay ayaa la sheegay inuu hada is ogaaday in waraaqda erigiisu miiska saaran tahay islamarkaana uu si dagdag ah isucasilay sida ay sheegayaan xogo la xidhiidha iscasilaada Masuulkani.