Madaxweynaha Turkiga Oo Wiil Uu Soddog U Yahay Xil U Magacaabay
July 10, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ee mar kale la soo doortay ayaa magacaabay golihiisa xukuumadda wax yar uun kaddib markii xafiiska loo dhaariyay.
Madaxweynaha Turkiga ayaa wiilka uu Soddoga u yahay ee lagu magacaabo Berat Albayrak waxaa uu magacaabay in uu noqdo Wasiirka Maaaliyadda dalka Turkiga.
Erdogan ayaa dib loo doortay bishii aynu soo dhaafnay. Waxa uu sheegay in uu meesha ka saaray hab wadanka ka ragaadiyay dhan kasto hadii ay ahaan lahayd dhanka siyaasadda ama dhaqaalahaba.
