Akhriso”Nuxurka Khudbadii Ra’iisal-Wasaare Abiy Ahmed Ka Jeediyay Caasimadda Eritrea ee Asmara
July 10, 2018 - Written by Berbera Today
Asmara(Berberatoday.com)-Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo ku sugan magaalada Asmara ee dalka Itoobiya, ayaa khudbad kooban ka jeediyay casho sharaf loo sameeyay kaddib kulan uu la qaatay madaxweynaha Ertirea.
Nuxurka khudbada ra’iisal wasaaraha ayaa u dhignaa:- “Waxaan Aniga Iyo Madaxweyne Af-wark ku heshiinaya in Safaaradihii labada dal dib loo furo,- in duulimaadyadii labada dal diyaaradahoogu dib shaqo galaan.
In dekadihii ay dib u shaqo galaan, In labada shacab is-booqdaan, aniguna Asmara ka soo degno, idinkuna booqataan Addis Ababa oo bunka la wada cabo.