Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Qaramada Midoobay ka Codsaday In Cunaqabateynta Laga Qaado Dalka Eriteria
July 10, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah uga codsatay Qaramada Midoobay in dalka Eritrea laga qaado cunaqabateynta saaran, saacado kaddib markii hogaamiyayaasha labadaasi dal ay saxiixeen is afgarad lagu soo afjarayo xaaladdii colaadda ee dalalkooda u dhaxaysay.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo ka laabtay booqashadii taariikhiga aheyd ee uu Isniintii ku tegay dalka Eritrea, ayaa waxa uu codsiga arrintan hordhigay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ay kulan ku yeesheen magaalada Addis Ababa.