Taliyaha Ciidammada Qaranka Oo Ka Hadlay Halka Beesha Caalamku Ogoshahay Inay Joogaan Ciidammadii Somaliland Ee Tuke-raq Kala Wareegay Puntland
July 11, 2018 - Written by Berbera Today
Tuke-raq(Berberatoday.com)-Taliyaha Ciidammada Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Nuux Ismaaciil Taani, ayaa markii u horreysay ka hadlay wakhtiga ay Ciidammada Qaranka ku qaadatay inay gaadhaan Degmada Tuke-raq ee Gobolka Sool.
Taliye Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay inay Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ay dedaal dheer u galeen inay gaadhaan halka ay hadda fadhiisinnada ka samaysteen oo 7KM dhanka Garoowe ka xigta Degmada Tuke-raq.
Taliyaha Ciidammada Qaranka oo Shalay hadal soo dhaweyn ah u jeediyey Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo booqasho ku tagay Jiidda hore ee Tuke-raq ayaa yidhi “Halkan aynu joogno Magaalada Tuke-raq waxay u jirtaa 7KM, marka Burco laga soo qaado (bilaabo) ilaa halkan aynu joogno 21 sanadood ayaanu ku nimid, 21 sannadood ayaanu kolba meel soo degaynay.”