Akhriso Arimaha Lagaga Hadley Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland Ee Maanta+Daawo Sawiro
July 12, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Kal-fadhigii 16-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa diiradda lagu saaray tayeynta horumarinta waxbarashada dalka, xooggana loo saari lahaa, tababarrada macalimiinta, agabka waxbarashada, dhiirrigelinta dugsiyada farsamada gacanta iyo in dugsiyada gaarka loo leeyahay ay raacaan manhajka qaranka loo dejiyey.
