Midowga Yurub Oo Lacag Malaayiin Doller Ah Ugu Deeqday Dawlada Xamar
July 12, 2018 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Midowga Yurub ayaa sheegay inay Soomaaliya ugu yaboohi doonaan dhaqaale gaadhaya €89 Million oo Yuuro, oo u dhiganta ku dhowaad $105 Million oo Doollar, sida Arbacadii Shalay laga soo xigtay guddida Yurub.

Bayaankan ka soo baxay Midowga Yurub ayaa imanaya xilli la qorsheynayo inuu dhowaan Brussels ku qabsoomo shirka madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub Todobaadka soo socda oo ku began 16-17-ka July.