Tahriibayaal Afduubtay Markab Ka Soo Badbaadiyay Badda Mediterranean
July 12, 2018 - Written by Berbera Today
Italy(Berberatoday.com)-Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Talyaaniga Matteo Salvini ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah tahriibayaal u soo socday qaarada Yurub inay afduubteen markab ka soo badbaadiyay xeebaha Libya.

Tahriibayaasha ayaa la sheegay in ay u afduubteen markabkan si aan dib loogu celin dalka Libya waxaana afduubkan sameeyay labo kamid ah dadkii tahriibayaasha ahaa oo ka soo raacay doon yar xeebaha dalka Libya.