Madaxweynaha Dalka Eritrea Isaias Afeworki Oo Booqasho Ku Imanaya Itoobiya
July 13, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Dawladda Itobiya ayaa shaacisay in madaxweynaha Eritrea Isaias Afeworki uu bari booqasho ku tagayo magaalada Addis Ababa.

Booqashadan rasmiga ah oo saddex maalmood ah ayuu uga jawaabayaa martiqaad uu ka helay ra’iisulwasaare Abiy Axmed, sida uu Twitterka ku shaaciyay agaasimaha xasiifka Ra’iisulwasaaraha Fitsum Arega.