Garowe(Berberatoday.com)-Xubno isugu jira madax-dhaqameed, aqoonyahan iyo ganacsato reer Somaliland ah ayaa la sheegay inay gaadheen magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland.
Waftigan oo ka kooban todoba xubnood ayaa saddex ka mid ahi ka soo jeedaan Beelaha bariga Burco, halka saddex kalena ka soo jeedaan Hargeysa, waxaana weheliya laba dhakhtar oo ka soo jeeda Boorama.
Xubnaha Beelaha Bariga Burco ka soo jeeda ayaa kala ah Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen Nuur, Suldaan Maxamuud Guuleed Mire Iyo Oday Maxamuud Bade , sidoo kale xubanaha reer Hargeysa ayaa waxa hogaaminaya ganacsadaha Jamaal Caydiid & Suldaan Cismaan Baane,Awdalna Dr.Buuxane
Waftigan ayaan ujeedadiisu caddayn iyadoo guud ahaanba laga qariyey warbaahinta iyo bulsho weynta hase yeeshee xukuumadda Somaliland ayaa la sheegayaa inay u wakiilatay inay nabad ugu baaqaan maamulka Garoowe iyadoo dhawaana la sheegay inay Hargeysa Yimaadeen Madax dhaqameed Isugu Jira Isimo Garaado Iyo Sulaadiin kasoo jeeda Mamulka Putland kuwaas usocday Nabadaynta colaada ka dhex alooosan Somaliland Iyo Maamulka Putland ee Somaliya kuwaas oo la sheegay inay Kulamo la xidhiidha Nabadaynta La yeesheen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Iyo Madaxda dhaqanka ee Somaliland qaar kamid ah oo kuwa hada Garowe tagay kamid yihiin iyo waliba Madaxda golayaasha qaranka.
Madax dhaqameedka Putland kasoo jeeda ayaa Hargeysa yimi dabayaaqadii bishii hore ee lixaad iyada oo aan haba yaraatee waxa wara laga siinin warbaahinta oo laga qariyay.
