Dibad Baxyo Balaadhan Oo Laga Soo Horjeedo Socdaalka Donald Trump Ee Ingiriiska oo Ka Socda London
July 14, 2018 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ayaa booqashadiisi ugu horresay ee rasmi ah ku tegay magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Booqashada Trump ee Britain ayaa qaadan doonta saddex maalmood, wuxuuna la kulmay ra’iisulwasaaraha Ingiriiska, Theresa May, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo boqoradda Ingiriiska, Queen Elizabeth.
