Madaxweynaha Eritrea Oo Booqasho Taarikhiya Ku Tagay Dalka Ethopia+Daawo Sawirada
July 14, 2018 - Written by Berbera Today

Addis Ababa(Berberatoday.com)-Booqashada uu madaxweynaha Dalka Eritrea Isias Afwerki uu ku tagay magaalada Adisababa ee xarunta dalka Ethopia waxay noqotay bog kale oo furmay labadaan wadan ee dariska, 20 sano oo colaad dheer iyo dirir xoogani ay u dhaxaysay labadaan Dal waxay labada shacab u fureen bogag cusub oo soo jiitay indhaha dunida, dagaal ku salaysan dhanka xuduuda labada dal oo kala go,ay qarnigii lasoo dhaafay ayaa sababay dhimashada boqolaal kun oo dad ah, sidoo kalena waxaa cunaqabatyn caalami ah kala kulantay dalka Eretrea, Qaramada midoobay ayaa soo dhawaynsay xidhiidhka taarikhiga ah ee labada dal u bilaabmay.