Salaadiin Iyo Ganacsato Garowe Utagay Nabadaynta Colaada Udhaxaysa Somaliland Iyo Putland Ee Tuka Raq Oo Waji Gabax La Soo Laabanaya
July 14, 2018 - Written by Berbera Today
Garowe(Berberatoday.com)-Maalmihii u dambeeyay waxa magaalada Garowe ee xarunta Puntland ku sugnaa waxgarad reer Somaliland ah oo dhawaan ka kicitimay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.
Waxgaradkan reer Somaliland oo aan ujeedada safarkooda war rasmi ah laga haynin, ayaa la sheegay inay Garowe u tageen sidii dagaalkii Tuko-raq ka dhacay loogu dhammayn lahaa wada hadal islamarkaana looga dheeraan lahaa in dagaal dambe jiidaas ka qarxo waxaana la sheegay inay ku tageen Garowe caasimada Putland is afgarad iyo wada hadal markii hore la sii yeesheen Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay ubandhigeen inuu nabada kala shaqeeya ka Madax dhaqameed ahaan iyaga oo iyagu is xilqaamay sida la sheegay.
Odayaashan oo isugu jira Salaadiin iyo ganacsato ayaa waxa la sheegay inay dhawrkii maalmood ee ay halkaas joogeen kulamo la yeesheen madaxda dhaqanka iyo ganacsatada reer Puntland oo ay ka wada sheekaysteen sidii colaadaas Tuko-raq loogu dhammayn lahaa nabadgelyo.