Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Qaraxyadii Ka Dhacay Muqdisho.
July 14, 2018 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Muqdisho caasimada dawlada Xamar saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay laba qarax oo is xigxigay kuwaas oo qaarkood si wayn looga maqlayay guud ahaan magaalada Muqdisho, Ugu horayn gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay afaafka hore ee Beerta nabada ahna agagaarka hotel SYL halkaas oo ay bar kaantarool u taalay ciidamada ilaalada Madaxtooyada, intaas ka dib waxaa is rasaasayn isku bilaabay ciidamada ilaalinta iyo koox hubaysnayd.