Maxuu Daarnaa Kulan Saddex Geesood Ah Oo Addis Ababa Ku Dhex Maray Somaliland , Itoobiya Iyo Imaaraadka Carabta ?
July 15, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Dawlada Imaaraadka Carabta ayaa balan qaaday inay laba jibaarayso horumarinta maalgalinta dekeda Berbera si ay u noqoto dekeda ay isticmaali doonto dawlada Itoobiya iyo dalalka kale ee Afrika ee bilaa dekeda ah.
Wargeyska Indian Ocean ayaa cadadkiisii ugu danbeeyay qoray in 28-Jun-2018 ay magaalada Abu Dhabi kulan saddex geesood ah oo balaadhan ku yeesheen wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr.Sacad CalI Shire iyo madaxda ugu saraysa shirkada DPworld Suldan Axmed Binu Suleym iyo ku xigeenkiisa iyo wakiilo ka socda dawladda Itoobiya oo ay metelaysay shirkada dawlada Itoobiya ee Ethiopian Shipping & Logistics Services Enterprise (ESLSE).