Xildhibaan Sheegay In Hay’ado Qiimaynayey Sida Maamullada Soomaaliya Uga Shaqeeyaan Caafimaadku Ay Kormeer Ka Sameeyeen Somaliland
July 15, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Mid ka mid ah Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa sheegay in Hay’ado Ajaanib ah oo uu hoggaaminayey Agaasime ka socday Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Jubba-land ay kormeer ka sameeyeen Somaliland.
Xildhibaan Axmed Dirir Cali oo ka qayb-qaadanayey Dood Mudanayaasha Golaha Guurtidu ka yeesheen siyaasadda Arrimaha Gudaha iyo Dibedda Somaliland, ayaa sheegay in Saddexda Hay’adood ee Kormeerka ka sameeyay gudaha Somaliland ay wadeen qorshe ay ku eegayeen sida Maamul-gobolleedyada Soomaaliya ay Caafimaadka uga shaqeeyaan, sidaasi darteedna iyaga oo aaminsan in Somaliland ka mid tahay Maamullada Soomaaliya ay yimaaddeen Hargeysa isla-markaana uga sii gudbeen Gobolka Saaxil, iyaga oo uu hor-kacayo Agaasime ka mid ah Maamulka Jubba-land, kaasi oo aan iska imanin ee ku yimid Casuumad uu ka helay mid ka mid ah Wasaaradaha Somaliland.