Xoolo-dhaqatada Gobolka Selel Oo Bilaabay Inay Xoolo Nool Ku Taageeraan Ciidammada Qaranka Ee Difaaca Kaga Jira Jiidda Hore
July 15, 2018 - Written by Berbera Today
Saylac(Berberatoday.com)- Gobolka Selel iyo ka degmada Saylac ayaa Shalay waxay Deeq Xoolo iyo Lacag iskugu jirta kala wareegeen Dad xoolo dhaqato ah.
Xoolo-dhaqatada Deeqda Xoolaha iyo Lacagta ku wareejiyey Masuuliyiinta Gobolka Selel oo ka soo kala jeeda Dadka ku dhaqan deegaannada Xirsi-boog, Indho-biraale iyo Riigga, ayaa Deeqdaasi waxay ugu talo-galeen Ciidammada Qaranka ee jiidda hore ee Gobolka Sool ugu jira difaaca Jamhuuriyadda Somaliland.
