Puntland Oo Amar Culus Dhigtay Murashaxiinta U Tartamaya Jagada Madaxwayne Ee Maamulka Puntland Ee Booqanaya Deegaanka Tukaraq
July 16, 2018 - Written by Berbera Today
Garoowe(Berberatoday.com)-aliyaha Guud ee Ciidamada Dowlad goboleedka Puntland ayaa soo saaray Go’aan ka dhan ah Musharixiinta Madaxweynaha Puntland ee Sanada 2019 ee tegaya Furumaha dagaalka ee deegaanka Tukaraq.

Jen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa sheegay in marnaba musharixiinta aan loo ogoleyn inay ciidamada Sawiro la galaan markii ay tagaan furumaha dagaalka balse laga doonayo in wixii ay u qabanayaan ciidamada si hoose ay ugu wareejiyaan.