Madaxweynaha Puntland Oo Sheegay Inuu Beesha Caalamka Ka Dacweeyay Somaliland
July 17, 2018 - Written by Berbera Today
Brussels(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), oo ku sugan Magaalada Brussels oo Beesha Caalamku shir uga furtay Soomaaliya, ayaa sheegay inay Dacwad ka dhan ah Somaliland u gudbiyeen Dawladaha Shirkaa ka qayb-galay.

Madaxweyne Gaas wuxuu sheegay in Dawladda Somaliland ee Ciidammadeedu hor-fadhiyaan kuwa Puntland, aanay ku kacayn Dacwadda uu u gudbiyey Beesha Caalamka, balse wuxuu ku dooday inay ku kici karaan dagaal sida uu hadalka u dhigay.