Madaxweyne Putin Oo Ka Hadley Inuu Hayo Xog Dhaawici Karta Sumcadda Trump
July 17, 2018 - Written by Berbera Today
Moscow(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa wax aad loogu qoslo ku tilmaamay in dadka qaarkood u haystaan in dalkiisu saamayn karayey natiijada doorashadii madaxtinimada Maraykanka ee 2016-kii.

Waraysi uu siiyey Telefishanka Fox News ee Maraykanka shir madaxeedkii Isniintii ka dib, ayaa waxa Putin ku dooday in dalkiisu aanu lahayn karti uu kula faro gali karayey ololihii madaxtinimada ee Trump ku jiray.