Brazil Dhakhtar Caan Ku Ahaa Farsamada Qurxinta Haweenka Oo La Baadi Goobayo Kadib Markii Haweenay Uu Farsamo Qurxineed Usameeynaayay Geeriyootay
July 18, 2018 - Written by Berbera Today
Brazil(Berberatoday.com)-Dakhtar Bumbum oo reer Brazil ah oo ku caan baxay qaliinno uu ku qurxiyo dadka caanka baxay ayaa la la’yahay ka dib markii ay dhimatay haweenay uu irbad ku muday si ay badhidu(Dabada)ugu Weynaato.

Baadhayaasha Kiiskan ayaa sheegay in Dr Denis Furtado uu sancadaas ku sameeyay Lilian Calixto, isaga oo ku sugan gurigiisa oo ku yaalla magaalada Rio de Janeiro, balse waxay xannuunsatay intii uu sancada ku waday.