|
berberatoday.com
Dalka Indonesia In Kabadan 300 Oo Yaxaas Oo La Dilay Iyo Sababta Keentay
July 18, 2018 - Written by Berbera Today
Dilka loo gaystay Yaxaasyadan ayaa waxay dadka uga aargoosanayeen nin la rumaysan yahay in uu dilay mid ka mid ah Yaxaasyadan. Saraakiisha dalkaasi ayaa waxay sheegeen in ay awoodi waayeen in ay is hortagaan weerarkasi islamarkana ay imika diyaarinayaan dacwado arrintan la xiriira. Dalka Indonesian waxaa dambi ka ah in qofka uu dilo xayawaanada ku jira goobaha lagu xanaaneeyo waxaana uu qofkaasi wajahi karaa ganaaxo ama in xabsi lagu xukumo. Jimcihii ayay ahayd markii nin ka tirsan dadka deegaanka uu Yaxaaskaasi cunay. Qof shaqaalaha ka mid ah ayaa maqlay qeylada qof codsanaya in la caawiyo, islamarkana markii uu goobataasi eegay waxa uu arkay Yaxaas weeraraya qof,” waxa sidaasi sheegay madaxa khayraadka dabiiciga ah iyo ilaalada duurjoogta ee gobolka West Papua. Ka dib markii Sabtidii la aasay ninkaasi ayaa boqolaal qof oo careysan waxay ku dhaqaaqeen goobta lagu xanaaneeyo Yaxaasyadaasi iyaga oo ku hubaysan mindiyo,dubayaal iyo qalab kale. Warbaahinta maxaliga ayaa ku warantay in dadkan careysan ay markii hore weerareen xafiiska goobta lagu xanaaneeyo Yaxaasyadani ka dib na ay u sii gudbeen beerta halkaasi oo ay ku dileen 292 ka mid Yaxaasyadii halkaasi ku xareysnaa.
Berberatoday.com COMMENTS
|
||||
|
|
|||||